4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2024
Ku dhawaad 20 ruux oo ku geeriyootay deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Isniin, February, 5, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadahii lasoo dhaafay halkaasi ay dad badan ugu dhinteen Cudurka Shuban Biyoodka.

Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay deegaanka Xawaadley iyo deegaanada hoostaga ayaa lasoo warinaya iney u geeriyoodeen ilaa 18 ruux oo u badan caruur, waxaana la ildaran ku dhawaad 50 ruux oo kale.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Cudurka uu kusii faafayo xaafadaha deegaanka Xawaadley, islamarkaana uusan deegaanku laheyn xarumo Caafimaad oo lagu daaweeyo dadka uu haleelo Shubanka.

Cudurka Shuban biyoodka ayaa bishii lasoo dhaafay sidaan oo kale uga dilaacay magaalooyinka Baledweyne iyo Buula burte, kaasoo galaaftay nolosha ku dhawaad 30 ruux oo isugu jiray caruur iyo dad waa weyn, kadib markii laga soo laabtay barakacii fatahaadii ku dhufatay magaalooyinkaas.

Deegaanada uu maro wabiga Shabeelle ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa xiliyada fatahaadaha kadib inta badan ka dilaaca Cuduro ay ka mid yihiin Shuban biyoodka iyo Maleeriyada, kuwaas oo ka dhashay biyaha fatahaada.