4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2024
Xisbiga Waddani oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay masuqmaasuq iyo boob hantiyeed
 

Axad, February, 4, 2024 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa xukuumada Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay gaysatay hanti boob iyo musuqmaasuq badan intii ay xukunka haysay.

Afhayeenka Xisbiga Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sidookale madaxweynaha ku eedeeyay in uu burbur u gaystay Somaliland.

"Waxa loo dhiibay dal iyo dad midaysan, dal in aad dhisto iska daaye, dalkii dhisnaa ee tacabku galay, ee shacabka Somaliland lahaa, ee layska wada dhex arkayay ee qabka iyo hanka lahaa, ee ay doorashooyinku ka dhacayeen, maanta waadiga dhex taagan eh, halkuu kula maraya" ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay musqumaasuq iyo in uu hanti boob ku kacay intii uu talada hayay, waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu hada haysto hanti badan oo aanu hore u lahaan jirin, intii aanu xilka qaban.

"Waxa aynu ognahay in uu kamidyahay tijaarta dalka, hantida ma samada ayaa laga soo diray, oo masamaawibaa?" ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxa kale oo uu xukuunada ku eedeeyay in ay caadaysatay faafinta beeno iyo barabagaandho aan caddayn lahayn, isla markaana ay sheegeen in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, lagu xidhay London, taasi oo uu sheegay in ay beentahay.

Xukuumada Somaliland ayaa dhankeeda mucaaradka ku eedaysay in ay galeen musuq maasuq.