4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2024
Golaha Shacabka oo berito kulan xasaasi ah ku yeelanaya xaruntooda Villa Hargeysa
 

Axad, February, 4, 2024 (HOL) - Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berito oo Isniin ah kulan xasaasi ah ay ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fariin qoraal ah loogu diray Mobeyladooda lagu wargaliyay in berito ay soo xaadiraan kulanka Golaha Shacabka, kaasoo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo go’aanada masiiriga ah ee dalka.

Kulankaan lagu wado iney barito yeeshaan Golaha Shacabka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaalhi Deni kulan looga arinsanayo marxaladaha guud ee dalka, kaasoo lagu martiqaaday madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo madaxdii hore.

Lama oga in kulankaan xasaasiga ah ee la isugu yeeray mudanayaasha Golaha Shacabka uu ka qeyb gali doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa waxaa horyaala wax ka bedelka dhameystirka dastuurka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo bisha soo socota, iyadoo ay xusid mudan tahay in 24-kii bishi dhamaatay ee sanadkaan 2024 qaab uu muran ku jiro loo ansixiyay habraaca wax ka bedelka Dastuurka.