4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2024
Amb. Oumer Hussein: Ethiopia way u qalantaa inay deked hesho maaadaama dadkeedu si xowli ah u kordhayaan
 

Axad, February, 4, 2024 (HOL) - Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Imaaraatka Carabta, Oumer Hussein, ayaa sheegay in Itoobiya ay u qalanto inay hesho deked maaddaama sida uu sheegay, Ethiopia dadkeeda iyo dhaqaalaheeda ay si xawli ah u korayaan.

Danjiraha Oumer Hussein ayaa sheegay in khilaafka ka dhaxeeya Ethiopia iyo Soomaaliya uu u baahan yahay in si dhab ah loo sharaxo cabashooyinka, haddii ay jiraan, wuxuu sheegay in lagu xallin karo si nabad ah.

“Heshiiska Is-afgaradka ee ay dhawaan wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland ayaan ka duwanayn xiriirka dalalka kale aan la leenahay marka laga reebo in iskaashigani yahay mid dhinaca badda ah.

Oumer Hussein waxa uu sheegay in Ethiopia ay door weyn ka qaatay sidii nabad looga dhalin lahaa Suudaan, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan iyadoo la adeegsanayo mabda'a xallinta Afrika ee dhibaatooyinka Afrika.

Wuxuu sheegay Ethiopia inay sii wadi doonto inay sii xoojiso dadaalkeeda ku aaddan abuuritaanka xiriir goboleed oo ku saleysan faa'iido wadaag ah oo ay la leedahay dalalka deriska ah.

Safiirka ayaa aaminsan in inta badan dhibaatooyinka amni ee ka jira wadamada Geeska Afrika ay la xiriiraan dhaqaalaha, marka laga soo tago arrimaha siyaasadda.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Muqtaar Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in inkastoo ay jiraan caqabado ay Itoobiya iyo Soomaaliya ka dhaxeeyaan xiriir wanaagsan oo dhinacyo kala duwan leh.