4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Dr. Hage G. Geingob waxa uu ahaa hoggaamiye caan ah oo naftiisa u huray u adeegida dadkiisa
 

Axad, February, 4, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dowladda Namibia iyo Shacabka Namibia geeridii ku timid Madaxweynihii dalkaasi Dr. Hage G. Geingob.

Madaxweynaha Namibia, Dr. Hage G. Geingob ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Windhoek isaga oo 82 jir ah sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Namibia ee uu ka baxay Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia. Dr. Hage G. Geingob waxa uu ahaa hogaamiye caan ah oo naftiisa u huray u adeegida dadkiisa, isla markaana ahaa cod laga ixtiraamo qaaradda Afrika. Inta lagu jiro waqtigan adag, waxaan garab taagannahay qoyskiisa iyo shacabka Namibia oo u baroordiiqaya geeridii hoggaamiye weyn”, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Madaxweynaha dalka Namibia Hage Geingob ayaa ku dhintay da’da 82-sano, sida uu sheegay xafiiskiisa, wax ka yar saddex toddobaad kadib markii la shaaciyay in laga daweyn doono kansarka.

Geingob waxa uu ku dhintay Isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek isaga oo xaaskiisa iyo carruurtiisa ay garab taagan yihiin, ku-simaha madaxweynaha Nangolo Mbumba ayaa sidaas ku sheegay hadal uu soo dhigay barta Facebook-ga ee Geingob.