4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2024
Duqa magaalada Muqdisho oo kafaala qaaday nolosha caruurta hooyadood lagu gubay Muqdisho
 

Axad, February, 4, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ah duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa booqasho ku tagay gurigii dhawaan lagu gubay Luul Sheekh Cabdicasiis oo aheyd hooyo xaamilo ah oo uu gubay ninkeedii.

Gudoomiye Yuusuf Madaale oo ay booqashada ku wehlinayeen xubno ka tirsan dowladda ayaa balan qaaday inuu kafaala qaadayo nolosha caruurta agoonta ah oo ay ka geeriyootay Marxuumada uu ninkeedii sida arxan darada ah u gubay.

"Caruurtaan agoonta ahaa hadana rajada noqday noloshoda anaga ayaa ka faala qaadeyno, sida ay caruurteena u nool yihiin ayayna u noolaan doonaan" ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha dilka geystay Siyad Cali Macalin Daa'uud lasoo qaban doono oo ay ciidamada dowladda wadaan howlgalo lagu baadi goobayo, islamarkaana la hor keeni doono Cadaaladda.

"Qof kasta oo damiir leh ninka waxaan foosha xun sameeyay ee basiin ku bil bilay gabadhii isaga dadka ka doortay ma qarin doono, ee damiirka ha shaqeeyo ninkaas cidii aragta ha soo sheegto ciidanka wuu baadi goobi haya waana la soo qabana sharciga ayaana la horkeeni doona" ayuu yiri gudoomiye Madaale.

Muqdisho iyo Qoryooleey waxaa si weyn wali looga hadal haya falalka naxdinta badan ee laba nin ay nafta si arxan daro ah u dhaafiyeen xaasaskoodii.