5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2024
Dadka ku nool Baledweyne oo walaac xoogan ka muujiyay amni xumo ka jirta magaalada
 

Talaado, April, 9, 2024 (HOL) - Amniga guud ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa noqday mudooyinkii dambe mid faraha ka baxay, kadib markii uu si weyn u kordhay dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Baledweyne.

Dhowrkii habeen ee lasoo dhaafay waxaa jiray in xaafadaha magaalada Baledweyne dhac baahsan loogu geysanaayay dadka wata talefanada gacanta lagu qaato iyo agabyada kale, waxaana dhacaasi geysanaayay rag ku hubeysan qoryaha Ak47 oo badankooda ku labisan dharka ciidanka dowladda.

Fiidnimadii Xalay waxaa iska hor imaad ka dhashay dhac taleefano oo u dhaxeeyay burcada dhaca geysata iyo ciidan deegaanka ah ku geeriyooday hooyo lagu magacaabo Leyla Xuseen oo ay haleeshay rasaasta u dhaxeysay labada dhinac, iyadoo ku sugan gurigeeda.

Iska hor imaadka oo ahaa mid kooban ayaa ka dhacay xaafada Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne oo ka mid ah xaafadaha burcada ka geystaan dhaca ugu badan.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in fiidnimadii hore ee Xalay rag ku hubeysnaa Dabajeexyo iney dhac ka geysteen Carwooyin ku yaala bartamaha magaalada Baledweyne oo lagu iibinaayay dharka noocyadiisa kala duwan.

"Rag ku labisan dharka ciidanka oo watay Dabajeexyo ayaa soo galay Carwada Macawiisyo ayay soo qabsadeen meshii laga sugaayay in lacag bixiyaan xabado ayay fureen wayna qaateen Macawiisyadii iyo agab kale dhibatadaas majirto cid wax ka qaban karta oo maalmahanba dhaca wuu soo badanaayay magaladana laba maamul ayaa isku haysato oo dhinac amniga wax ka qabanaya maleh" ayuu yiri mid ka mid ah dadka ganacsiga ku leh Baledweyne.

Ugu dambeyntii dadka ku nool xaafadaha Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya dhibaatada dhaca ah ee sii baahaysa oo aysan muuqan cid dooneysa iney wax ka qabato, iyadoo magaalada gudaheeda ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan maamulada Hiiraan State iyo Hirshabeelle oo isku haysta maamulista Baledweyne.