5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2024
Ku dhawaad 50 xubnood oo uu ku jiro horjooge sare oo Al-shabaab looga dilay gobolka Mudug
 

Talaado, April, 9, 2024 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal dhanka cirka ah oo lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Baraag Gurguurte ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee ciidamada dowladda ka taageera weerarada dhanka cirka ah, waxaana xubnaha weerarka lagu dilay ka mid ah horjooge sare magaciisa oo lagu sheegay Axmed Jiis.

Horjoogaha iyo xubnaha kale ee weerarka lagu dilay ayaa la tilmaamay iney diyaarinayeen weeraro kooxdu ka geysato deegaanada gobolka Mudug, waxaana duqeyntaan ay aheyd mid daba socotay weerar galinkii hore ee shalay ciidanka dowladda ku qaadeen dhul howd ah oo ay isku aruursanayeen kooxda oo ku yaala deegaanka Baraag Gurguurte.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-shabaab oo ku aadan duqeynta dowladdu sheegtay iney kooxdu kaga dishay ku dhawaad 50 xubnood oo uu ku jiro horjooge Axmed Jiis.

Ugu dambeyntii weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda Fedaraalka oo taageero ka helaya dadka degaanka iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay kordhiyeen maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ay ka fulinayaan meelaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.