5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2024
Jubbaland oo ka digtay halis ka dhalan karta daadka roobabka Guga ee dalka ka curtay
 

Axad, April, 7, 2024 (HOL) - Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulka Jubbaland ayaa soo saartay digniino ku aadan cabsi laga qabo iney dhibaatooyin ka dhashaan roobabka Guga ee ka curtay ee qeybo ka mid ah deegaanada maamulkaas.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane ayaa faray shacabka ku nool Jubbland iney ka feejignaadan halista ka dhalan karta daadka roobabka Guga.

"Waxaan u sheegayna dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland iney u diyaar garowaan caqabado iyo dhibaatoyin ka dhalan kara daadad iyo fatahaado ka dhalan kara markale roobabka Guga oo la filayo ibey yihiin kuwa xoogan oo da'madooda u dhaxeeyso 150 ilaa 200, roobabkii deyrta ee lasoo dhaafay sidan anagoo digniin ku bixinay in laga gaxadaro ayaa dhibaato badan ay geysteen, marka tii oo kale yaysan dhicin ee dadku ha feejignaadaan" ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane.

Agaasimaha ayaa sidoo kale ugu baaqay hay'addaha gargaarka ee ka howlgala  deegaanada Jubbaland iney ka qeyb qaataan xaaladaha loogu diyaar garoobayo halista ka dhalan karta roobabka Guga iyo biyo xireeno laga hirgaliyo goobahii ay horay uga soo baxeen biya wabiga Jubba.

"Dadka ku nool hareeraha wabiga iyo togaga ay daadku maraan waa in dadku ay ka guraan, sababto ah hada ayaa taxadarkaas la raba oo dhulka wali waa jilicsan yahay biyo badan ayuu ka dhargay intey goori goor tahay dadku ha feejignaadaan oo agagaarkaas yaanan lagu laaban wixii degana haka guuraan " ayuu yiri Agaasime Aadan Faarax Gaarane.

Ugu dambeyntii digniintaan kasoo yeertay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulka Jubbaland ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo deegaanada maamulkaas ay ka mid ahaayeen deegaanadii ay sida weyn u saameeyeen daadadkii iyo fatahaadahii ku dhuftay inta badan gobolada dalka ee ka dhashay roobabkii deyrta ahaa ee da'ay dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay.