5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2024
Askar fannaan reer Jigjiga ah Hargaysa ku xidhay oo xabsiga loo taxaabay
 

Axad, April, 7, 2024 (HOL) - Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay 4 askari oo shalay si xoog ah Hargaysa ugu xidhay fannaan reer Jigjiga ah oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Habane 'Maxamed Yare', iyada oo fannaankiina la sii daayay.

Qaar kamid ah hobolada magaalada Hargaysa oo shalay ka qayliyay xadhiga Maxamed Yare, ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay askartii falka gaysatay, loona haysto danbi sharci jabin ah.

"Waxaanu sheeganaynaa in nala xaal mariyay oo waliba raggiina noo xidhanyihiin, sharciga ayaana naloo marinayaa, sharci kumay socon, madaxdoodana amar kamay haysan, way soo dhamaatay Maxamedna wakaa bannaanka jooga, nimankii kalena sharci ayay noogu xidhanyihiin" Hoobal Maxamed Bakaal Cirro, ayaa sida yidhi.

Hoobal Cabdi Ciise Cajuun oo kamid ahaa hobolada shalay warkoodu warbaahinta ku faafay kadib xadhiga fannaan Maxamed yare, ayaa isna sheegay in uu hada faraxsanyahay, isla markaana raggi falka gaystay xabsiga loo taxaabay.

Fannaanka la xidhay oo isna warbaahinta la hadlay kadib markii lasoo daayay, ayaa u mahadceliyay fannaaniinta reer Hargaysa ee garab istaaga u muujiyay, iyo taliyaha sirdoonka oo uu sheegay in uu ka hawlgalay sii dayntiisa.

"Nidaamka dhacay wuxuu ahaa, nidaam uu khaladyari ku jiro, ciidankana qaar qaldan iyo qaar kaleba way ku jiraan, wixii khaldanaana waa la saxay, wax wayn oo la sii buun buuniyaana meeshaba ma yaalo" ayuu yidhi Maxamed Yare.

Fannaaniinta ayaa shalay sheegay in ay soo weerareen 4 askari oo sirdoonka ka socda, iyaga oo xoog ku xidhay Fannaan Maxamed Yare, isla markaana caga juglayn iyo jidh dil u gaystay fannaaniin kale.