5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2024
Faahfaahino kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo lagu qaaday degmada Balcad
 

Sabti, April, 6, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo kooxda Al-shabaab ay ku qaaday aroornimadii hore ee saakay baro koontarool oo ku yaala degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid ku bilaawday qaraxyo xoogan oo lagu beegsaday laba bar koontarool oo ay ku sugnayeen ciidamo ka tirsan  kuwa amaanka degmada, waxaana xigay qaraxyada dagaal toos ah oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka dowladda.

Sawiro hordhac oo laga helay weerarka saakay ayaa muujinaaya bur bur xoogan oo ka dhashay qaraxyada iyo uuro madow badan oo qabsatay hawada xaafadaha degmada Balcad.

Lama oga wali khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan kooxda Al-shabaab saakay aroortii hore ku qaaday baraha koontarool ee ku yaala degmadaas.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in xaaladu tahay mid degan, islamarkaana ciidamada dowladda ay howlgalo ka wadaan duuleedka degmadaas.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda iyo kooxda Al-shabaab oo ku aadan dagaalka saakay ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.