5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2024
Kumanaan qoys oo isaga barakacay degaanada Koonfurta Mudug oo Shabaabku dib u qabsadeen
 

Sabti, April, 6, 2024 (HOL) - In ka badan saddex kun oo qoys ayaa isaga barakacay degaanada Bacaadweyne, Xinlabi, Caad iyo Camaara, ka dib markii dhawaan degaanadaasi ay dib u qabsadeen kooxda Alshabaaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa toban-kii Maarso ee 2024, bilaabay inay ka baxaan goobahaas, taasoo keentay inay ka barakacaan dad badan oo ka baqaya weeraro aargoosi ah oo kaga yimaada Al-Shabaab.

Qoysaskan ayaa u barakacay magaalada Gaalkacyo, Mirjicley, Wisil, iyo Bajeela. Inta badan dadkaan barakacay ayaa waxay ahaayeen dad nugul, oo ay ku jiraan waayeel, carruur, haween, iyo dad baahiyo gaar ah qaba, kuwaas oo galay safarro halis ah oo lug ah, si ay u helaan badbaado iyo gabaad.

Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Galmudug (GCRI) oo kaashanayay Hay’adaha Samafalka, ayaa sheegay dadka dhibaatada ugu badan ay soo gaartay inay ahaayeen, dad xoolo dhaqato ah, kuwaas oo xoolahooda hadba meel ula guuri jiray si ay badbaado, baad iyo biyo u helaan.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ku dhawaad 25% haweenka barakacay ay yihiin xaasas laga dhintay 6-dii bilood ee lasoo dhaafay, sababo la xiriira howlgalladii ciidan ee dhulkaas lagu xoreeyay.