5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2024
Nin Somali-Swedish oo wajahaya maxkamadayn ku saabsan dil uu u geystay haweeney saaxiibtiis ahayd
 

Jimco, April, 5, 2024 (HOL) - Haweeney 20 jir ahayd oo uur leh, oo lagu magacaabo Saga Forsgren Elneborg, ayaa laga helay maydkeeda gurigeeda oo ku yaal magaalada Örebro ee dalka Sweden, waxaana uu Booliisku sheegay in qoorta laga ceejiyay.

Maxamed Aamin Cabdirisaaq Ibraahim, oo ah 22 jir ah, Soomaali-Swedish ah, oo xiriir saaxiibtinimo uu kala dhaxeeyay haweeneydan, ayuu  booliisku usoo qabtay  inuu ka dambeeyay dilka haweeneydan.

Ninkaan ayaa maxkamad lasoo taagi doonaa 10-ka Abriil.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in sababta dilka loo geystay ay salka ku hayso cadaadis dhanka qoyskiisa ah.

Eedeysanaha waxaa la sheegay in uu ka baqay falcelinta qoyskiisa ee ku aaddan xiriirka guurka ka hor ee uu la lahaa Forsgren Elneborg, oo ahayd haweeney caddaan ah.

Lammaanaha ayaa si qarsoodi ah u ilaalinayay xiriirkooda labada sano ah, iyadoo Ibrahim la sheegay inuu qorsheynayay inuu xaaladdooda u sheego qoyskiisa habeenka ay dhimanaysay Forsgren Elneborg.

“Eedaysanuhu waxa uu si ula kac ah u fuliyay rabshad ka dhan ah Ms. Forsgren Elneborg, taas oo keentay dhimashadeeda iyo dhimashada ilmahooda uurka ku jira. Falka waxaa loo fuliyay in lagu xalliyo sharaf-darrada ka dhalatay xiriirka dhibbanaha iyo Ibraahim,” sidaasi waxaa sheegay dacwad oogayaasha kiiskaan.

Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoonaya in kiiskan loo hayo caddeymo ay ka mid yihiin fariimo qoraal ah oo ay is dhaafsadeen lamaanaha taasi oo muujineysa walaaca Ibraahim iyo cabsida uu ka qabo in xiriirkooda iyo uurkooda uu u sheego qoyskiisa.

Goobta uu dilku ka dhacay, ayaa laga helay xarig la sheegay in loo adeegsaday dilka.