5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo amartay in Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya inuu dalka uga baxo mudo 72 saacadood ah

Jimco, April, 5, 2024 (HOL) - Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay talaabooyin diblumaasiyaded oo ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay go'aano daba socda qaraarkii kasoo baxay Golaha wasiiradda Soomaaliya, waxaana Wasaaraddu ay amartay in Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya inuu dalka uga baxo mudo 72 saacadood ah.

Waxaa sidoo kale Wasaaraddu ay amartay in mudo laba todobaad gudahood lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.

Talaabooyinkaan ayay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ku sheegtay in loo qaaday ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya oo ay ku soo xadgudubtay dowladda Itoobiya.

Go'aanadaan kasoo baxay dowlada Soomaaliya saacadahii lasoo dhaafay ayaa noqonaya kuwii ugu cusla oo ay qaado oo ka dhanka ah xadgudubka dowladda Itoobiya ay ku hayso madax banaanida Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaarada oo faahfaahsan:-