5/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh oo magaalada Nayroobi uga qeyb galaya shirka madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Adduunka
 

Isniin, April, 29, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee Kenya si uu uga qayb-lgalo Shirka Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo maalgashiga qaaradda Afrika, iyo sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweye Xasan Sheekh uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas'uuliyiinta ka socda Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya laga cafiyay dayntii muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siinaysa dalka inuu soo jiito maalgashiyo iyo mashaariic horumarineed.

Illaa toban madaxweyne oo ka socda qaaradda Afrika ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan shirkaan.

Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) waa qayb ka mid ah Bangiga Adduunka oo caawisa waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo sida Soomaaliya.