5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2024
Kooxda Al-shabaab oo sheegtay iney Muqdisho ku dishay Xildhibaan hore
 

Sabti, April, 27, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xalay xaafad ka tirsan degmadaas lagu dilay Cali Cumar Gaab oo horay usoo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dilka Cali Cumar ay geysteen rag ku hubeysnaa Bastoolado oo rasaas badan la dhacay, kuwaas oo si deg deg ah dilka kadib goobta uga baxsaday.

Saacado kadib waxaa gaaray goobta lagu dilay marxuumka ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowladda Fedaraalka, kuwaas oo goobta ka sameeyay howlgalo baaritaanno ah, hayeshee lama soo warin cid ay ciidamada usoo qabteen falka dilka ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka loo geystay Cali Cumar Gaab, kadib qoraal ay kooxdu ku baahiyay baraha internetka ay leeyihiin oo ay ku sheegeen inuu ahaa marxuumka Xildhibaan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilkaan ay sheegatay Al-shabaab ayaa qeyb ka noqonaya dilalka qorsheysan oo ay kooxda Al-shabaab ku bartilmaameedsato masuuliyiinta iyo askarta dowladda.