5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2024
Wabiga Shabeelle oo laga cabsi qabo inuu Fatahaad ka sameeyo magaalada Baledweyne
 

Sabti, April, 27, 2024 (HOL) - Wabiga Shabeelle ee dhaxmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay keenay biyo aad u tiro badan oo cabsi xoogan ku beeray dadka ku nool xaafadaha Baledweyne.

newsinsdeBiyaha aadka u badan ee uu keenay wabiga Shabeelle ayaa yimid, kadib markii daadad badan oo ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da'ay gudaha gobolka Hiiraan iyo dhulka dowlad deegaanka Somalida Itoobiya, kuwaas oo kusoo rogmadeen Wabiga Shabeelle.

Heerka lagu cabiro biyaha Wabiga ee dhexmara magaalada Baledweyne ayaa hada ku dhaw meeshii ugu sareysay, waxaana taasi ay sii kordhisay walwalka dadka ku nool Baledweyne.

Dhawaan ayay aheyd markii ha'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ay shaacisay in magaalooyin ay ka mid tahay Baledweyne laga cabsi qabo inuu ku fataho wabiga Shabeelle, islamarkaana ay fartay hay'addu dadka iney ka fogaadaan hareeraha wabiga.

Cabsida Fatahadaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ay fatahaad nooceeda horay loo arag ku dhufatay guud ahaan xaafadaha Baledweyne, taasoo geysatay khasaare isugu jiray naf iyo maal oo aysan wali kasoo kabsan reer Baledweyne.