5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2024
Raysal wasaare Xamse oo safarkii ugu horreeyay ku tagidoona dalka Kenya

Khamiis, April, 25, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu booqasho ku tago dalka Kenya, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Korir SingOei oo la kulmay wafdi ka socday xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya.

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo raysal wasaare Xamsa uu tago Nairobi isagoo Ra'iisul Wasaare ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 25kii Juun 2022.

“Kenya iyo Soomaaliya waa deris wanaagsan, waxayna sii wadaan ka wada shaqaynta xoojinta xasiloonida labada dal iyo gobolka si loo helo barwaaqada wadajirka ah ee dadkeenna. Waxaan ka wada hadalnay booqasho rasmi ah oo uu dhawaan ku imaan doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.” Ayuu yiri Korir SingOei.

Safarka raysal wasaare Xamse ayaa la filayaa inuu ku saabsan yahay,  dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada dal oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah, duulista, ganacsiga iyo maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dal.

Maalmo ka horna, wasiirka beeraha Kenya ayaa sheegay in bisha May ay Soomaaliya iyo Kenya wada gali doonaan heshiis ganacsi oo ku saabsan Qaadka Miirowga ee Kenya ay usoo dhoofiso Soomaaliya.