4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shirka amniga ee Caasimadda
 

Arbaco, April, 17, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay shirka amniga gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Xamse Cabdi Barre, Wasiirada kala ah Amniga iyo Gaashaandhiga, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray  dardar galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho oo mudooyinkii dambe ahaa mid si weyn u soo hagaagayay.

"Waxaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimadda looga dhageystay masuuliyiinta hay’adaha amaanka oo soo bandhigay qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday masuuliyiinka ka qeyb gashay shirka iney sii laba jibaaraan dadaalada lagu xaqiijinaayo amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.