4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh oo shir isugu yeeray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir
 

Arbaco, April, 17, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir ugu yeeray inay kasoo qeyb galaan shirka golaha wadatashiga.

Shirkaan oo dhici doona 20-ka iyo 21-ka bisha Abril ayaa madaxweynuhu sheegay, in looga hadli doono la dagaalanka argigixisada iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Shirkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay soo baxayaan war ku saabsan in dowlad goboleedyada la filayo in ay soo saaraan war-murtiyeed ay muujinayaan mowqifkooda ku aaddan wax ka isbeddelka dastuurka.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo uu ku jiro madaxweynaha Puntland, ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in ay ku wada hadleen qadka taleefoonka, iskana xog wareysteen arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in dowlad goboleedyadu ay saluug iyo diidmo ka muujin doonaan hannaanka loo maray wax ka beddelka dastuurka, taasoo laga yaabaa inay cadaadis ku noqoto dowladda federaalka.