4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2024
Fannaanada Ugbaad Aragsan oo Hargaysa lagu xidhay
 

Talaado, April, 16, 2024 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay fannaanada Ugbaad Maxamuud Cabdi 'Ugbaad Aragsan', oo lagu eedeeyay in ay faafisay muuqaalo anshax xumo ah.

Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee Ciidanka Booliiska Somaliland, fannaanada waxa lagu xidhay eedayn la xidhiidha in ay baraha bulshada ku faafisay muuqaalo dhaqanka iyo diinta kasoo horjeeda.

"Ciidanka Booliska JSL ayaa  gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi  oo kasoo horjeeda diinteenna suubban iyo dhaqankeenna  wanaagsan" ayaa lagu yidhi qoraalka booliiska.

Qoraalka ayaa sidookale lagu yidhi "Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen , waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga".

Fannaanada ayaa sidookale dhawaanahan muujisatay taageero ay u hayso xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyadoo siwayn taageeradeeda ugu muujisay bandhig fanneed ay munaasibadii ciida ku qabatay magaalada Hargaysa.

Sidookale, dadka qaar ayaa aaminsan in xadhigeeda ay qayb ka tahay safar ay dhawaan kaga qaybgashay xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani, oo dhawaan dib loo doortay.