5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo daah furay qaadashada kaararka Aqoonsiga dadweynaha

Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha, kasoo lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Septembar.

Raysal Wasaare ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta dadka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo damaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale xusay in Xukuumaddiisa ay meel marisay sharuucdii ilaalin laheyd xogta muwaadiniinta, islamarkaana hagi laheyd hay'addaha ku shaqada leh bixinya iyo keydinta Aqoosniga Qaranka.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin” Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Gagabagadii Raysal wasaare Xamse ayaa hoosta ka xariiqay in hanaankaan uu yahay mid ka turjimaya dowladnimada casriga ah, isagoona u mahadceliyay dowladda Pakistan iyo hay’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP oo uu sheegay iney gacan weyn ka geystay barnaamijkaan.

Dhinaca kale madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa qaatay kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha oo uu maanta daahfuray raysal wasaare Xamse.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in kaarka Aqoonsiga inuu udub dhexaad u yahay xaqiijinta amaanka guud ee dalka, islamarkaana uu kala cadeynayo qof walba waxa uu yahay.

"Waxaa jira dad badan oo muqaal ahaan inoo eg oo af Soomaaligana ku hadla ama bartay oo dalka iyo dalalkale oo dariska ah ku nool marka qof walba oo inoo eg oo afsomali ku hadla macnaheedu maha inuu Soomaali yahay, kaarkan Aqoosiga waa kii kala saari laha Muwaadinka Soomaaliga ee saxda ah, waxaana dhici doonto maalin qofkii aanan wadan la dhihi dooni maahid muwaadin Soomaliyeed" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.