4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2023
Wasiir Juxa: Afar nin oo siyaasada ku saaqiday ayaa ku ciyaaray masiirkii shacabka gobolka Nugaal

Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin uu ku sifeeyay saaqidiin ay hor istaageen inay doorasho ka dhacdo magaalada Garowe.

Wasiirka arrimaha gudaha oo Boosaso ka codeeyay ayaa sheegay, inay ka baaqsadeen inay qaataan inuu dagaal ka dhaco Garowe, isagoo sheegay in la fashiliyay wada xaajood uu garwadeen ka ahaa Islaam Ciise Islaam Maxamed.

“Afar nin oo siyaasada ku saaqiday ayaa ku ciyaaray masiirkii shacab waynaha gobolka Nugaal". ayuu yiri wasiirka arrimaha guddaha Puntland, Mr. Juxa.

"Annagu waxaan isku daynay inaan meeshaas dagaal ka dhicin. Waan dulqaadanay. Waan waan baan galnay. Wada hadal baan galnay. Niyad sami baan ku galnay. Islaam Ciisaa nagala xaajooday. Waana la qiyaanay. Isagana waala qiyaamay. Waxaan xeerinay nabadda. Dadka reer Nugaaleedna fursadooda way heli doonaan.”

Juxa wuxuu sheegay inay Puntland gaartay guul weyn oo taariikhi ah, isagoo sheegay in 30 degmo looga dareeray doorasho ku dhacday si nabad galyo ah.

Hadalka wasiir Juxa ayaa kusoo beegmay, iyadoo maanta Garowe aanay wax doorasho ahi ka soconin. Inkastoo ay socdaan dadaalo la doonayo in si degdeg magaalada Garowe iyo labada degmo ee kale doorashada looga qabto.