5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2023
Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
 

Arbaco, May, 17, 2023 (HOL) - Wasiiradda Gaashaandhigga dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka wada hadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalka Kenya.

Wasirka Wasaaradda Gaashaandhgga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dhigiisa dalka Kenya Aadan Barre Ducaale kala hadlay sidii dowladda Kenya uga caawin laheyd ciidanka Soomaaliya tababarada heerka sare ee ciidamada.

"Waxaan ka wada hadalnay doorka hogaamineed ee CXDS ee Howlgaladda socda iyo in ay naga caawin doonaan tababaradda heerka sare ee CXDS" ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga XFS.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Kenya Aadan Barre Ducaale uga mahad celiyay doorka dowladda Kenya ku leedahay la dagaallanka Ururka Al-shabaab.

Gabagabadii dowladda Kenya ayaa ka mid ah dowladdaha ciidamadooda ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya ee ka mid ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo si gaar ah uga howlgala deegaanada maamulka Jubbaland.