4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2023
Ergayga madaxweynaha Soomaaliya ee dhaqaalaha oo beeniyay inuu ka dambeeyay weerarkii Garowe ka dhacay

Arbaco, May, 17, 2023 (HOL) - Ergayga ganacsiga iyo arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha Soomaaliya, Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa beeniyay warar sheegaya inuu ka dambeeyay weerar ciidamo maleyshiyaad ah ka geysteen magaalada Garowe.

Weerarkaas oo geystay dhimashada labo askari oo katirsanaa ciidanka Puntland, kuwaas oo qeyb ka ahaa kolonyo galbinaysay qalabka doorashada dowladaha hoose ee Puntland.

Khadar Faroole ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Puntland inuu u gafay madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inuu soo abaabulay weerarka ka dhacay Garowe.

Khadar wuxuu sheegay in wasiir Juxa uusan fahansanyn nidaamka dowliga ah islamarkaana iyadoo aan la samayn baaris booliis uu saxaafadda ka eedeeyay una gafay dad masuuliyiin ah.

"Madaxweyne Xasan sheikh laguma eedayn karo muxuu uga hadlay arrimaha Puntland. Waa madaxweynihii Soomaaliya. Aniguna waxaan ahay ergaygiisa beeyac mushtarka iyo dhaqaalaha. Xafiiska aan ergayga u ahay waa xafiis shaqadiisu tahay xasilooni iyo nabad, marka ma garanayo meel aan isaga nimaano xasilooni darro, ayuu yiri Khadar Faroole.