4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2023
Shirkadda Flydubai oo Maanta duulimaad toos ah ka bilaawday Dubia iyo Muqdisho
 

Khamiis, Maarso, 9, 2023 (HOL) - Shirkadda diyaaradaha Flydubai ayaa Maanta si rasmi ah u bilaawday duulimaad toos ah oo Dubai iyo Muqdisho ah, ayda oo isticmaaleyso dayaaradda cusub ee y Boeing 737 Max, ay maanta soo cago dhigatay garoonka diyaraadaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkaddaan Flydubia ayaa 14-kii bishaan Febraayo 2023 ku dhawaaqday iney sameyn doonto duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Dubia maalin-kasta (Daily Flight), hayeshee wixii ka dambeeya 1 bisha June ee sanadkaan duulimaadyada ka dhigi doonto laba duulimaad maalintiiba (twice daily flight).

Muqdisho ayaa noqoneysa magaaladii labaad ee Soomaaliya ay duulimaad ka sameyso shirkadda Flydubai, waxayna horay duulimaadyo ugu tagi jirtay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Duulimaadkan ay Flaydubi ay ka bilaawaday magaalada Muqdisho ayaa tartan kala dhexeydoono  sharikadda DAALO AIRLINES oo usbuucii laba mar tagto magaalada Dubai.

Duulimaadkaan Muqdisho ay ka bilaawday Shirkadda Flydubia ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshe ay shirkadu sheegtay iney balaarineyso duulimaadyada ay shirkada ka sameyso Afrika, waxaana hada duulimaadyo ay ku tagta shirkadaan magaalooyinka kala ah Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Darusalaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.