4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2023
Nuux Taani: Awood ayaanu u leenahay in aanu Laascaanood galno
 

Arbaco, Maarso, 8, 2023 (HOL) - Taliyaha Guud ee Ciidanka Millateriga Somaliland Sareeye Guuto Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ciidanka Somaliland awoodo in uu qabsado Laascaanood lakiin uu xabad joojinta ilaalinayo.

Taliyaha oo la hadlay muuqbaahiyaha afka xukuumada ku hadla, ayaa sheegay in ciidanku uu ku shaqaynayo siyaasada xukuumada Somaliland, isla markaana uu ilaalinayo go'aanka xukuumada ee xabad joojinta.

"Ciidanka Qaranku had iyo gooraale wuxuu fuliyaa siyaasada dowlada, waxay dowladu ku dhawaaqday xabad joojin in la sameeyo, waxaanu halkan ku fulinayna xabad joojintii, awood waanu u leenahay magaalada in aanu galno, kasaarnana kuwa isku soo urursaday ee Puntland ka yimid" ayuu yidhi Taani.

Taliyuhu sidookale shacabka magaalada Laascaanood ayuu ugu baaqay in ay Somaliland aqbalaan oo ay soo noqdaan isaga oo sheegay in been loo sheegay sida uu hadalkiisa u dhigay.

"Dadwaynaha reer Laascaanood waxan leeyahay beentii la idiin sheegayay iyo barwaaqadii la idiin sheegayay ma taalo hada, gaajada magaalada taalana waanu ognahay, dalkiina iyo dadkiinii kusoo noqda" ayuu yidhi Taani.

Xalaada magaalada Laascaanood ayaa maalamahan dagan kadib markii xabad joojin ay dowlada Itoobiya ka odayaysay ay dhinacyadu aqbaleen, isla markaana ma jiraan wax wada hadalo ah oo u bilowday xukuumada iyo garaadada Laascaanood ku sugan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]