4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2023
Qaar kamid madaxdii hore oo ka digay muddo kororsi ay waddaan labada aqal ee barlamaanka

Arbaco, Maarso, 8, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ayaa ka digay muddo kororsi ay wadaan labada gole ee barlamaanka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaanay tallaabo horseedi karta xasilooni siyaasadeed.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku sheegeen xilligan inaysan jirin baahi loo qabo muddo kororsi, waxayna sheegeen dalku inuu weli kasoo kaban la' yahay raadadkii laga dhaxlay isku dayadii muddo kororsi ee dowladdii hore.

Waxay ku eedeeyeen labada aqal ee barlamaanka inay faraha kula jiraan arrimo dastuurka ka hor imaanaya oo sababi kara dib u dhac iyo in ay meesha ka baxdo dagaalka ka dhan ah Alshabaab.

Madaxdii hore waxay soo jeediyeen in barlamaanku ka digtoonaado wax ka beddel kaste oo lagu sameynayo dastuurka dalka, iyadoo aan loo marin  afti dadweyne.