4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2023
15 sano oo xabsi ah oo lagu riday nin Shabaab horey ugaso goostay, dibna ugu biiray
 

Axad, Maarso, 5, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamda qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun 15 sano oo xabsi ah ku riday Ayuub Cusmaan Sheikh Aadan Isxaaq oo katirsanaa Alshabaab.

Ayuub Cusmaan Sheikh Aadan Isxaaq ayaa kamid ahaa dhalinyaro kasoo baxay xerada lagu dhaqan celiyo dadka Shabaab kasoo goosta ee Dowladda iskusoo dhiiba.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu mar kale dib ugu laabtay fikirka Shabaabnimo, isagoo dib ugu laabtay kooxda Alshabaab ee uu horey ugasoo goostay.

Alshabaab ka soo goostay, waxa uuna Sanad ku jiray xarunta dhaqan celinta Kuwa ka haray fikirka Shabaabnimo.

Hay’adaha amniga ayaa gacanta ku dhigay ninkaan dhallinyarada ah, kadib markii uu Bom F1 - ah ku tuuray Ciidan Roondo uga jiray degmada Jannaale.

Dowladda waxay sheegtay inuu Shabaab ugu shaqayn jiray 30 dollar.

Xukunkan ayaa kusoo aaday, xilli Dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay inay dib u eegis ku sameynayso xarunta lagu dhaqan celiyo isisoo dhiibayaasha Shabaab.

Bil ka horna, hay’adda IMO oo taageere dhaqaale ku bixisa xarunta dhaqanta celinta Shabaabka ayaa sheegtay inaysan sanadkan 2023 wax dhaqaale ah u haynin xarunta.