4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2023
Cabdirisaaq Khaliif: Dhib badan ayaa dhacay cidii gaysatayna wali kursiga ayay fadhida
 

Sabti, Maarso, 4, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa markale sheegay in xukuumadu ay tacadiyo ka gaysatay magaalada Laascaanood, isla markaana golaha wakiiladu la xisaabtami doono.

Khaliif oo waraysi siiyay Maxamed Yuusuf Bakayle ayaa  sheegay in boqollaal dhinteen, kumanaana barakaceen, wuxuuna sheegay in gurigiisa xataa ay dhibaato soo gaadhay, iyo goobaha adeega dadwaynaha sida isbitaalada iyo goobaha kale ee nolosha muhiimka u ah.

Mar wax laga waydiiyay in ay suuragal tahay in shacabka Somaliland iyo bulshada gobolka Sool ay markale nabadi dhexmari karto, ayuu sheegay in aanu ka quusun doonin nabada.

"Waa run dhib badan ayaa dhacay, cidii gaysatayna wali kursigii ayay fadhida, lakiin marwalba in aan la quusan anuu ka guddoomiye ahaan waan qaba, lakiin waxaan su'aal galinaya, tolow arrinta ma laga heli kara madaxweyne Muuse" ayuu yidhi Khaliif.

Waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada xukuumada Somaliland ee sheegaysa in argagixiso ay magaalada ka dagaalamayso, waxaanu sheegay in taasi ay colaada sii hurinayso shacabkana sii fogaynayso.

Danbiyada uu ku eedeeyay xukuumada, ayuu sheegay in lagala xisaabtami doono, isaga oo xusay in Golaha Wakiilada Somaliland uu guddi u saaray arrinta, lana xisaabtami doono xukuumada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]