4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Qatar uga qeyb galaya shirka Qaramada Midoobay ee dalalka soo koraya
 

Sabti, Maarso, 4, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka  Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda Soomaaliya.

Sida ay madaxtooyadu sheegtay, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlidoona xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Shirkan oo furmaya maalinta berrito ah, ayaa ujeeddadiisu tahay in la abaabulo balanqaadyada bulshada caalamiga ah ee ku aaddan ciribtirka saboolnimada.

Waa shirkii shanaad ee Qaramada Midoobay ee Doha, kaasoo loogu talo galay in lagu dardar-geliyo horumarka waara ee dalalka soo koraya.