4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2023
Maraykanka oo sheegay in uu gargaar gaadhsiinayo dadka ku barakacay colaada Laascaanood
 

Sabti, March, 4, 2023 (HOL) - Dowlada Maraykanka, ayaa sheegtay in iyada oo kaa shanaysa saaxiibadeeda gudaha iyo kuwa caalamiga ah, ay gargaar cunto iyo dawo gaadhsiinayso dadka ka barakacay Laascaanood.

Qoraal lagu daabacay boga Twiiterka ee Safaarada Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu caawimo gaadhsiinayo shacabka colaadu saamaysay.

"Anaga oo kaa shanayna saaxiibada gudaha iyo kuwa caalamiga ah, USIAD waxay bad baadinayaa nafta dadka iyada oo bixinaysa caawimo cunto deg deg ah, taageero nafaqo oo deg deg ah, iyo taageero caafimaad oo la siinayo dadka ay barakicisay colaada Laascaanood".

In ka badan 185,000 oo qof ayaa ka barakacay magaalada Laascaanood sida hay'addaha caalamiga ahi sheegeen, dadkan  ayaa u barakacay deegaano ku xeeran magaalada, iyagoo wajahayo xaalado adag.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ay gargaar gaadhsiinayso dadka barakacay colaada Laascaanood iyadoo kaashanaysa hay'adaha caalamiga ah, sidookalena waxa jira qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo balan qaaday lacago ay ku taageerayaan dadka barakacay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]