4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2023
Howlgal lagu dilay 13 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
 

Sabti, Maarso, 4, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab Ururka 5-aad oo kaashanaya ciidanka Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay dagaalmayaal ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalkooda si gaar ah uga fuliyay deegaanka Turdho iyo deegaanko kale ku teedsan jiinka Wabiga Jubba, waxayna sheegeen in howlgalkaasi ay ku dileen 13 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Xubnaha lagu dilay howlgalka ayaa la sheegay inuu ku jiray xubin sare oo ka mid ah Ururka Al-shabaab, kaasoo magaciisa lagu sheegay Aruuriyow Maxamed Cumar oo magaciisa afgarashadu yahay Axmed Sahal, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliye Carab Dheeg Axmed.

Howlgalkaan ay iska kaashadeen Kumaandooska Danab iyo kuwa Nabadsugida Jubbaland ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali gobolada dalka ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale ciidanka daraawiishta Jubbaland oo kaashanaya ciidanka ATMIS ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa fashilayey Miino ay sheegeen in Al-shabaab ay ku aaseen albaabka guriga Ugaas Maxamed Ugaas Daahir oo la tilmaamay inuu dhawaan ka horyimid amar ahaa inuu la shaqeyo Al-shabaab, dabadeedna ay ugu hanjabeen iney dil.

Dadka Shacab ahaa ayaa la sheegay in ciidanka amniga degmada ay u gudbiyeen xogta qaraxa Miinada ee lagu aasay albaabka guriga Ugaaska taasoo keentay in ciidamadana ay ku guuleystaan fashilinta qaraxaasi miino.