5/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2023
Faysal Cali Waraabe: Somaliland taako dhul ah oo ay leedahay ka bixi mayso

Jimco, Maarso, 24, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in loo bahanyahay in xabad joojinta la qaato oo colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo.

Faysal waxa uu sheegay in colaadu ay burbur badan dhali doonto hadii aan nabada la qaadan, isaga oo sheegay in ciidamada Somaliland anay dhulka SSC ka bixi doonin.

"Burbur ayay ku biyo shuban doontaa hadii aan nabada la qaadan, nina ma ogola in uu taako dhulkiisa ah ka baxo, Somaliland taako aanu leenahay ka bixi mayno, Laascaanood ayaad sheegaysaaye Tukaraq laga bixi maayo, lakiin wixii cadaalad daro ah waanu diidaynaa" ayuu yidhi Faysal.

Faysal waxa uu sheegay in loo baahanyahay in garaadadu ay nabada aqbalaan, oo ay xabad joojinta qaataan, kadibna la sameeyo cid xabad joojinta kor meerta oo ilaalisa si loo ogaado cida jabinaysa xabad joojinta.

Waxa uu sheegay in Laascaanood ayna u baahnayn in colaad loogu soo gurmado lakiin ay u baahantahay in Soomaalidu ay ka qayb qaadato in nabad lagu soo dabaalo magaalada, isaga oo sheegay in aan reer Somaliland kula socon qalad uu sheegay in uu madaxweynuhu sameeyay.

Waxa uu ku andacooday in anay ishayn Somaliland iyo reer Laascaanood, lakiin ciidamo Puntland ka yimid ay kusoo duuleen Somaliland, waxaanu sheegay in sida darteed ay ka xisbiyo mucaarad ahaan garab taaganyihiin ciidanka millateriga.