5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2023
Golaha Deegaanka Laascaanood oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka go'aamana soo saaray
 

Khamiis, March, 2, 2023 (HOL) - 210 qof ayaa ku nafwaayay colaada Laascaanood,  680 kalena, way ku dhaawacmeen, sida duqa magaaladu uu warbaahinta u sheegay, waxa kale oo uu ku baaqay in magaalada laga fogeeyo ciidanka Somaliland iyo xoogaga kaleba.

Maayarka Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka, isaga oo sheegay in boqolaal qof ku dhinteen, isla markaana ay kumanaan qof ku barakeceen.

"Waxa ku dhintay dad shacab ah oo gaadhaya 210, waxa dhaawacmay 680 qof, waxa barakacay 200,000 oo qof , waxa burburay 715 guri, waxa xidhmay 16000 oo ganacsi, waxa la jaray biyihii, waxa la weeraray xaruntii laydhka" Ayuu yidhi Cabdiraxiin.

Waxa uu sheegay in ay dhibaato soo gaadhay xafiisyada xukuumada, iyo isbitaalka wayn ee Laascaanood oo qaybo kamid ahi burbureen, waxa kale oo uu ciidamada ku eedeeyay in ay bililiqaysteen guryihii laga qaxay ee magaalada.

Mayaarka oo ku hadlayay afka golaha deegaanka, ayaa soo jeediyay 3 qodob oo uu sheegay in ay ka gola deegaan ahaan u arkaan in lagu nabadayn karo magaalada Laascaanood.

"Waxaanu soo jeedinaynaa in ciidamada Somaliland laga saaro guud ahaan degmada Laascaanood, in shacabka hubaysan laga saaro magaalada gudaheeda, in gargaar bini'adamnimo lasoo gaadhsiiyo dadkii dhibaatadaasi saamaysay" ayuu yidhi maayar Cabdiraxiin.

Maayarka ayaa dhinaca kale sheegay in xoogaga Laascaanood kula dagaalamaya ciidamada Somaliland ay kali ah yihiin dadka deegaanka, isaga oo beeniyay sheegashada Somaliland ee ah in kooxo argagixiso ah iyo ciidamo Puntland ahi ay dagaalka ku jiraan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]