4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 27, 2023
Shirka isimada dhaqanka Laascaanood oo dhawaan furmaya
 

Jimco, January, 27, 2023 (HOL) -  Dhamaan isimada dhaqanka gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa ku sugan magaalada Laascaanood, iyadoo uu dhawaan furmi doono shir ay odayaasha deegaanadani kaga tashanayaan masiir kooda siyaasadeed.

Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo kamid ah isimada dhawaan shirku uga furmi doono magaalada Laascaanood, ayaa VOA Somali, u sheegay in shirku uu dhawaan furmi doono, isla markaana uu rajaynayo in uu jawi wanaagsan kusoo dhamaado.

"Jawigu waa fiicanyahay waana laysku wada yimid, isimadu waxay ku suganyihiin magaalada Laascaanood, halka waxii ka danbeeya waxa loo gudbayaa in uu shirku furmo, waxaananu rajaynaynaa in uu wax wanaagsan noogu dhamaado" ayuu yidhi Garaad Xasan.

Garaadka ayaa sheegay in shirka dhaqanka oo dhawaan dhici doonaa uu ka qabsoomayo guriga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isagu gogosha dhigay, waxaanu sheegay in nabadgalyada shirka aad loo adkeeyay, lakiinajendaha shirka aan wali la dajin.

Hadaba madaxda xukuumada Somaliland iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirsaaq Khaliif Axmed ayaa iyaguna magaalada dhinac ka dagan, waxayna kala dagan yihiin hoteelada Casuura iyo Xamdi, madaxdan ayaa ka raja qabay in ay heshiis la gaadhaan odayaasha dhaqanka, taasi oo aan wali suuragalin.

Lama hubo waxa ka soo bixi doona shirka dhaqanka lakiin badanka madax dhaqameedka shirka kasoo qaybgalay ayaa aad uga soo horjeeda joogitaanka Somaliland ee gobolka, iyaga oo doonaya in ay dhidibada u taagaan maamul dadka deegaanku u madaxbanaan yihiin.

Halgano kala danbeeyay oo qaybo kamid ah bulshada deegaanku ku doonayeen in ay ku dhistaan maamul u gaara ayaan guulaysan, iyadoo xukuumada Somaliland iyo maamulka Puntland anuu midna ogolayn dhismaha maamulkan, sidookalena dowlada Soomaaliya ayaa ka gaabsatay, in ay taageerto dhismihiisa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]