4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 9 , 2023
Maraykanka oo ku baaqay in si dhakhso ah loo joojiyo colaada Laascaanood

Khamiis, February, 9, 2023 (HOL) - Dowlada Maraykanka ayaa xukuumada Somaliland ku eedaysay in ay duqayn aan loo meel dayin ka gaysatay Laascaanood waxayna ugu baaqday in la joojiyo.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka Waaxdeeda Afrika, oo qoraal ku baahisay barta Twitterka, ayaa sheegtay in loo bahanyahay in shacabka la ilaaliyo, khilaafkana wadahadal lagu dhameeyo.

"Duqaynta aan kala sooca lahayn ee shacabku waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyaa, waxaanu ku baaqayna in xaalada si deg deg ah loo dajiyo, shacabka la ilaaliyo, mucaawimo aadaminimona la gaadhsiiyo, xiisadana wadahadal lagu dhameeyo".

Somaliland dhankeeda waxay iska fogaysay in ay wax duqayn ah ka gaysatay magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay in kooxo falaago ahi, ay dhibaatada Laascaanood masuul ka yihiin, inkasta oo qaybo kamid ah odayaasha, iyo masuuliyiinta magaaladu ay Somaliland ku eedeeyeen in ay duqaymo gaysatay.

Baaqa Maraykanka ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay uu dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo beeleed taabacsan garaadadi Laascaanood ku kulmay, uu ka socday duleedka magaalada.

Xukuumada Somaliland ayaa sheegaysa in colaada Laascaanood ay ka danbeeyaan kooxo xagjir ah, halka odayaasha iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Laascaanood-na ay iska fogeeyeen sheegashada Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]