4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 9 , 2023
Qaar ka mid dadkii kusoo dhaawacmay dagaalada ka socda Laascaanood oo Muqdisho la geeyay
 

Khamiis, February, 9, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay qaar ka mid ah dadkii kusoo dhaaaacmay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dhaawacyadaan oo ay siday diyaarad gaar ah oo kasoo qaaday magaalada Garoowe ayaa tira ahaan gaarayay 18 ruux, kuwaas oo gaadiidka gurmadka deg deg ah looga sii qaaday garoonka Aadan Cadde ayaa la geeyay qaar ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Masuuliiyiin ka tirsan qeybaha kala ee hay'addaha dowlada Soomaaliya ayaa dhaawacyadaan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Magaalada laascaanood ee gobolka Sool waxaa wali ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka reer Laascaanood, kaasoo galay maalintii afaraad oo xiriir ah.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud oo maalin ka hor ka hadlay dagaalka ka socda Laascaanood ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka oo la wax walba lagu dhameeyo miiska wadahadalka, waxaana sidoo kale baaqyo kala duwan kasoo saaray dagaalka Laascaanood Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka.