4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 9 , 2023
Axmed Ciise Guutaale oo loo magacaabay hanti-dhawrka guud ee Qaranka
 

Khamiis, February, 9, 2023 (HOL) - Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa loo magacaabay inuu noqdo hanti-dhawrka guud ee Qaranka, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Abuukaate Axmed Ciise oo horey xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, ayaa magacaabiddiisa lagusoo bandhigay shirka golaha wasiiradda, halkaas oo lagu ansixiyay.

Waxaa uu xilka kala wareegayaa hanti-dhowrihii hore ee Qaranka, Maxamed Cali Afgooye, kaasoo dhawaan xafiiskiisa uu soo saaray warbixinno hay’adaha Dowladda loogu jeedinayay eedayn la xiriirta in aysan lahayn hufnaan maaliyadeed.

Tan iyo markii ay warbixintaasi soo baxday wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska hanti-dhowrka xiriirkoodu ma wanaagsanayn.

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa mar ku dhaliishay xafiiska hanti-dhowrku inuu degdeg ka muuqday warbixintiisii ugu dambeysay ee la xiriirtay maaliyadda.