4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 9 , 2023
Mucaaradka Jabuuti oo ku eedeeyay madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle inuu taageero milatari siinayo Somaliland
 

Khamiis, February, 9, 2023 (HOL) - Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu ogaaday in saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ay yimaadeen Jabuuti.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in saraakiisha tagay Jabuuti ay wadeen dhambaal ka socday madax-weynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

Mucaaradka Jabuuti waxay sheegeen in madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle taageerada Jamhuuriyadda Jabuuti. Taageeradaas oo ku saabsan dagaalada dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa kasoo jeeda SSC.

Mucaaradka Jabuuti waxay ku eedeeyeen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, inuu ogolaaday in taageero militari oo toos ah la siiyo ciidamada Somaliland ee dagaalka kaga jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Tan iyo dhamaadkii Janaayo 2023 iyo tan iyo markii ay bilowdeen iska hor imaadyada tooska ah ee Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka Jabuuti.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku xadgudbay qodobka 2-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, kaas oo dhigaya in aanay ogolanayn Qaramada Midoobay in lasoo fara galiyo xukunka gudaha ee dawlad kasta" ilaa ay jiraan khataro weyn oo nabadda caalamiga ah jebinaya,” ayay sidoo kale yiraahdeen mucaaradka Jabuuti.

Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti waxay Madaxweynaha Jabuuti ugu baaqeen inuu ixtiraamo Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen dhinacyada isku haya Laascaanood inay aqbalaan dhexdhexaadinta Madaxweynaha Soomaaliya.