4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 9 , 2023
32 sano kadib, Safaaradda Soomaaliya ee London oo maanta si rasmi ah loo furayo
 

Khamiis, February, 9, 2023 (HOL) - 32 sano kadib, ugu dambayntii waxaa maanta si rasmi ah loo furayaa safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee London ee UK.

Safaaradda oo ku taal Winchester House oo ah Waddada Old Marylebone, ayaa bixin doonta adeegyada muhiimka ah ee lagu qiyaaso 500,000 oo qurbo-joog Soomaaliyeed ah oo ku nool United Kingdom (Boqortooyada Ingiriiska).

Xafladda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Cabdulqaadir Axmedkheyr Cabdi, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ingiriiska, iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqa iyo Modelka Soomaaliyeed ee caanka ah Sabrina Dhowre iyo Saygeeda Jilaaga Idris Elba.

Munaasabadan oo ah mid si weyn loo wada sugayay ayaa noqon doonta mid bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK ay baahi weyn u qabaan.

Waxaa lagu tilmaamay inay tahay tallaabo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Safaaradda ayaa taageero iyo kaalmooyin kala duwan u fidin doonta bulshada Soomaaliyeed, sida adeegyada qunsuliyadda, habaynta fiisaha iyo munaasabadaha dhaqanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa furitaanka safaaradeeda magaalada London u aragta mid ka dhigan bog cusub oo u furmay xiriirka labada dal, waxayna rajeynaysaa in ay saameyn wanaagsan ku yeelan doonto bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.