4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 9 , 2023
Xaglatoosiye: Maan filayn in dad masaakiin ah oo dhagax tuuraya ay Muuse iyo gacan yara yaashiisu layaan
 

Khamiis, February, 9, 2023 (HOL) - Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacabka ee Somaliland, ayaa xukuumada ugu baaqay in ay millatariga ka saarto gobolka Sool.

Xaglatoosiye ayaa dhaliilay sidii ay xukuumadu uga jawaabtay shacabkii ka gadooday dilalka Laascaanood, isaga oo dhashay in anay ahayn in shacabka xabad loo isticmaalo.

"Shacab kaasi kacdoon ayay sameeyeen ay ku diidanyihiin sida ay wax u socdaan, iyo sida maamulku ugu guuldaraystay sugida amnigooda, taasina waxay dhashay halkii garowshiyo laga sugayay in dad masaakiina oo dhagax tuuraya ay Muuse iyo gacan yarayaashiisu laayaan" ayuu yidhi Xaglatoosiye.

Waxa uu sheegay in erayga argagixiso ee xukuumada Somaliland ay isticmaalaysa uu muujinayo cadowtinimo, waxa uu sheegay in Laascaanood anay argagixiso joogin lakiin, dadkii deegaanku ay dagaalamayaan.

Waxa uu inta ku daray in anay xabadi xal ahayn, isaga oo sheegay in ay ahayd in xukuumadu kala baxdo ciidamadeeda gobolka, si buu yidhi wadahadalka loo siiyo deegaan nabdoon, waxa uu ku baaqay in Somaliland ciidankeeda  la baxdo oo dadka taladooda loo ogolaado.

Xaglatoosiye waxa uu xusay in anay jirin dowlad joojin karta kacdoonka shacabka, wuxuuna intaa ku daray in madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha guduhu ay arrinta xogogaal u yihiin, oo ay hore usoo mareen, lakiin aanu ka filanayn in ay maanta xoog isticmaalaan.

Xaglatoosiye ayaa hore u hogaamin jiray jabhad la odhan jiray SSC, kadibna wuxuu heshiis la galay xukuumadii Siilaanyo, isaga oo soo noqday wasiirada caafimaadka iyo dib u dajinta, imika waa guddoomiyaha ururka Shacabka ee Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]