4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2023
Garaad Jaamac: Muusow nabadna waad ku baaqaysa madaafiicna dadkii ayaad la dhacaysa
 

Arbaco, February, 8, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah isimadii dhaqanka ee dhawaan shirku ugu soo dhamaaday Laascaanood, ayaa sheegay in aanu dagaalku istaagayn ilaa ciidamada Somaliland baxaan.

Garaad Ismaaciil, oo ka jawaabay baaqii nabadgalyo ee xukuumada Somaliland soo saartay, ayaa sheegay in uu dagaalku soconayo hadii ciidanka Somaliland aanu ka bixin deegaanadaas.

"Muusow waxan ku leeyahay maamulkaagu nabadna wuu ku baaqayaa madaafiicna dadkii ayuu la dhacayaa, waxan caddaynayaa in Laascaanood saddexdii cishe ugu danbaysay uu dagaal ka soconayo, dagaalkaasi oo ah dagaal aan wax shacabka reer Laascaanood loo reebtay jirin" ayuu yidhi Garaad Ismaaciil.

Waxa uu u mahadceliyay madaxda dhaqanka Somaliland oo xalay ku baaqay in xabada shuruud la'aan lagu joojiyo, lakiin waxa uu sheegay in anay nabadi jirayn ilaa oo ciidamada Somaliland ay Oog ku noqdaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad, xukuumada ayaa ku adkaysanaysa in kooxo argagixiso ahi ay colaada hurinayaan, dhinaca kalena, garaadada iyo qaybo kamid ah maamulka Laascaanood ayaa beeniyay sheegashada xukuumada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]