4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney kordheen xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee isa soo dhiibaya
 

Arbaco, February, 8, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac oo Maanta shir jaraa'id ugu qabtay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalamayaashii ugu badnaa kooxda Al-shabaab ay isku soo dhiibeen dowladda.

Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in marba marka ka dambeysa ay soo kordhayeen xubnaha ka mid ka ah Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda wixii ka dambeeyay markuu dalka ka bilaawday kacdoonka ka dhanka ah kooxda Shabaab.

"Xubnahii ugu badnaa Shabaab ayaa isku dhiibay gacanta dowladda mudada uu socdo howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolada dalka, waxaana xubnaha ugu badan ay iska dhiibeen deegaanada maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa'uud Aweys.

Wuxuu sidoo kale xusay wasiirka Warfaafinta in xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ee isa soo dhiibay iney ajiibeen baaqii dowladda Fedaraalka ee ahaa iney naftooda badbaadsadaan oo ay isa soo dhiibaan.

Hadalka Wasiir Daa'uud Aweys ayaa kusoo beegmaya iyadoo wali gobolada dalka intooda badan ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, islamarkaana Shabaab looga qabsaday deegaano iyo degmooyin badan oo ay horay uga talin jireen 10-kii sano ee lasoo dhaafay.