4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2023
Duqa Laascaanood ee Somaliland oo ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq ka geysanayaan magaalada Laascaanood
 

Arbaco, February, 8, 2023 (HOL) - Duqa degmada Laascaanood ee Somaliland, Cabdirixiin Cali Ismaaciil, ayaa markii ugu horraysay kasoo muuqday saxaafadda tan iyo markii Laascaanood uu billowday dagaal u dhaxeeyaa Somaliland iyo ciidanka SSC.

Duqa iyo xildhibaano katirsan golihiisa deegaanka oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq ba’an ka geysanayaan goobaha shacabka.

Waxay hadalkooda ku sheegeen in xarumihii dadweynaha sida isbitaalada, masaajidda iyo kaalimaha shidaalka lagu garaacay madaafiic ay adeegsanayaan ciidamada Soomaliland.

“Waxaanu caddaynaynaa in la duqeynayo goobihii caafimaadka, in la duqaynayo masaajiddadii, in la duqaynayo kaalmihii shidaalka iyo guryahii dadka shacabka yaaleen. Halkaan aan taagannahay waa cusbitaalkii Laascaanood. Madfac baa ku dhacay. Waxaa ku waxyeeloobay hooyo ummul ah. Masaajidadii ayaa gubanaya.” sidaasi waxaa yiri duqa Laascaanood.

Cabdirixiin Ismaaciil waxa uu been abuur ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Somaliland oo ahaa inay magaalada Laascaanood kula dagaalamayaan argigixiso, wuxuuna sheegay in waxa dagaalamaya ay yihiin ciidamada Somaliland iyo shacabka Laascaanood.

“Waxaan caalamka u caddaynaynaa anigoo ah duqii Laascaanood, inaan Laascaanood argigixiso ka dagaalamayn. Waxaa dagaalamaya waa shacabkii Laascaanood oo naftooda iyo cirdigooda difaacaya. Xasuuq baa socda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Duqa Laascaanood ayaa ugu dambayn ugu baaqay ciidamada Somaliland inay isaga baxaan magaalada Laascaanood.