4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2023
Dagaalka Laascaanood oo soconaya maalintii saddexaad oo xidhiidha
 

Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Dagaalka Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xidhiidha, xukuumada Somaaliland ayaana markale sheegtay in ay dagaal kula jirto argagixiso.

Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Guddaha, ayay xukuumadu si lamid ah labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sheegtay in kooxo xagjir ahi ay soo weerareen fadhiisimada millateriga Somaliland ee Laascaanood.

"Maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ayey kooxaha argagaxisadu weerar ku soo qaadeen xeryaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan fadhisimada ciidamada, waxa aanay ciidamadu ku jiraan difaac".

Dagaalka ayaa saaka ka soconaya duleedka Laascaanood, waxaana dagaalka ku jira ciidamada taabacsan garaadada Laascaanood iyo ciidamada Somaliland oo fadhiisimo ku leh magaalada Laascaanood.

Inkasta oo ay Somaliland sheegtay in kooxo xagjir ah iyo ciidamo Puntland ahi ay ku jiraan dagaalka, garaadada ayaa beeniyay in ay jirto argagixiso joogta Laascaanood, sidookale, Puntland ayaa beenisay in ay lug ku leedahay dagaalka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]