4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2023
Guddiga xuquuqul insaanka QM oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo dilalka magaalada Laascaanood
 

Arbaco, February, 8, 2023 (HOL) - Guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay, ayaa ku booriyay dowladda Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso dilalka Laascaanood ee ay gaysanayaan ciidamada amaanka Somaliland iyo kuwa kasoo horjeeda ee deegaanka SSC.

Volker Türk oo ah guddoomiyaha guddiga, ayaa wuxuu u soo jeediyay dowladda Soomaaliya inay baarto oo ay caddaaladda horgeyso dadka ku lugta leh dilalkan.

“Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay, waxaana lagu qiyaasay 119 kale inay ku dhaawacmeen Laascanood - oo ay ku jiraan carruur - dagaalka u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan qabiilka deegaanka. "Waxaan ka walaacsanahay wararka sheegaya in iskahorimaadyadu ay sii socdaan maanta iyadoo ay jiraan khasaare kale oo cusub.” ayuu yiri Turk.

Volker Türk wuxuu sheegay inay ugu yaraan 20,000 oo qof ay ku barakaceen iska horimaadyada Laascaanood, taas oo uu sheegay inay sii kordhinayso xaaladda bini'aadantinimo ee markii horeba adkayd.

"Waxaan ugu baaqayaa mas'uuliyiinta inay sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo dhexdhexaad ah oo ku saabsan isku dhacyada si cidda mas'uulka ka ah lasoo taago maxkamad caddaalad ah, ayuu yiri.

Warkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii saddexaad uu dagaal ka socdo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.