4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Roma kadib caasumaad uu ka helay madaxda dalkaas
 

Arbaco, February, 8, 2023 (HOL) - Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ku saabsan xoojinta xiriirka Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa marti-qaad ka helay madaxda dalka Talyaaniga, isagoo kulamo la qaadan doona dhiggiisa Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada-xaajoonayaan kobcinta iskaashiga labada dal iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Sida ay madaxtooyadu sheegtay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Talyaaniga u soo bandhigaya dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul looga gaaro dagaalka Alshabaab, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda.

Sidoo kale, madaxtooyadu waxay sheeegtay in Labada dal ay ka arrinsanayaan iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, Warshadaha iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Talyaaniga heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeeinna.