4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2023
Ururka ONLF oo wada hadal ugu baaqay dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood
 

Arbaco, February, 8, 2023 (HOL) - Uurka ONLF ayaa War saxaafadeed kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, iyadoo sheegay inay aad uga xun yihiin waxa ka socda magaalada Laascaanood ee colaadda iyo dagaalka ah, iyadoo sidoo kale ugu baaqday dhinacyada is haya inay colaadda joojiyaan, xaaladda taagana lagu dhammeeyo wada hadal.

Haddaba War saxaafadeedka Ururka ONLF uu kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ayaa lagu yiri " (ONLF waxay ugu Baaqaysaa dhinacyada is haya in lawada hadlo lana joojiyo colaadda, sidoo kalena ONLF waxay da-neeyayaasha Gobolka iyo Dawladaha geeska Afrika ugu baaqaysaa in laga qayb qaato xasilinta iyo nabad ku soo dabaalitaanka Laascaanood lana gaadhsiiyo Gar-gaar Banii Aadam Dadka rayidka ah ).

Sidoo kale ONLF ayaa War saxaafadeedkan ku sheegtay inay taageersan tahay Nabadda iyo in wada hadal lagu dhammeeyo wax walba, iyadoo ugu baaqday dadka Soomaaliyeedna inay ka qayb qaataan daminta colaadda Laascaanood oo keentay Geeri, Burbur hantiyeed iyo Barakaca dad badan oo jilicsan oo ka barakacay magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale ONLF waxay sheegeen in colaadaasi ka taagan magaalada Laascaanood ay ku faafi karto dalalka deriska ah, amniga gobolkana wax u dhimi karta, iyadoo colaaddaasina ay sidoo kale dhibaato u gaysan karta dadka shacabka ah ee ku dhaqan dalalka deriska ah.

Ugu dambayn, Ururka ONLF ayaa ugu baaqay dowladaha Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti, iyo Kenya inay ka qayb qaataan sidii loo joojin lahaa colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, wax walbana wada hadal loogu dhammeyn lahaa.

War saxaafadeedka ONLF ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii u dambeeyay ay xaalad colaadeed oo ay dad badani ku dhinteen kuwa kalena ku barakaceen ay ka taagnayd magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.