5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2023
Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo baaraya ilaha dhaqaalaha Al-Shabaab

Talaado, February, 28, 2023 (HOL) - Guddiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, ayaa isugu yimid kulan ay uga doodayeen hubka sida sharci darrada ah isaga kala goosha Soomaaliya iyo Yemen, iyo baaritaanno lagu sameeyo dhaqaalaha Al-Shabaab.

Guddiga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaanka ilaha dhaqaalaha Al-Shabaab oo ay ku jiraan dakhliga ay ka helaan dekedaha kuyaala Soomaaliya, iyo ka ganacsiga dhuxusha.

Guddigan ayaa hoosta ka xariiqay in cunaqabateyn lagu soo rogo dadka dhibaatada ku ah nabadda iyo amniga Soomaaliya, islamarkaana cunaqabateynta lagu saleeyo istaraa-tiijiyadda Dowladda ee ah in Al-Shabaab lagu wiiqo ciidan ahaan, iyo ka hortagga fikirkeeda diimeed.

Ugu dambayn, guddigan ayaa ku booriyay dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federalka inay dhaqan geliyaan go’aannada Golaha Ammaanka ee ka hortagga maalgelinta argagixisada, oo ay ku jiraan tallaabooyin lagu xakameynayo awoodda Alshabaab ee ah inay helaan lacag, hub iyo taageero kale.

6dii Jannaayo 2023, ciidamada Mareykanka ayaa qabtay doon maraysay biyaha caalamiga ah ee u dhaxaysa Iran ilaa Yemen, doontaas oo sidday in ka badan 2,000 oo qoryo AK-47 ah.

Hubkan sharci darrada ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo daabulo marinnada badda ee Soomaaliya.

Maraykanka wuxuu sheegay in hubkan laga iibiyo Daacish iyo al-Shabaab.